Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xawaaladda Kaah ee Boosaaso oo Dad lagu Dilay


Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay maanta koox hubaysani weerareen Xarunta Xaawadda Kaah ee magaalada Boosaaso.

Kooxdan hubeysan oo u dhacday gudaha xawaaladda, ayaa waxaa la sheegayaa inay qaateen lacag aan cadadkeeda la sheegin, ka dibna ay baxsadeen.

Mid ka mid ah shaqaalaha oo dhaawacan ayaa VOA u sheegay in kooxda hubaysan ay banaanka ku soo dileen waardiyihii xawaaladda gudahana ay ku dileen mid ka mid ah howl wadeenadda xawaaladda.

Mas’uuliyiinta Laamaha Ammaanka ee Bari, ayaa sheegay inay ku howlan yihiin baaritaanka cidda geystay weerarka, isla-markaana aaney jirin cid ay u soo qabteen weerarka Xawaaladda Kaah.

Warbixinta ku saabsan weerarka Xawaaladda halkan hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:06 0:00
XS
SM
MD
LG