Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka oo Syria u Matalaya J. Carabta


Syria
Syria
Mucaaradka dalka Syria ayaa markii ugu horreysay Syria u matalaya Jaamacadda Carabta oo maanta uu shir labo cisho soconaya uu uga furmay dalka Qadar.

Mouaz al-Khatib ayaa qaatay oo ku fadhiisanaya kursiga Syria ee shirka jaamacadda Carabta waxaana la filayaa inuu shirka hadal ka jeediyo.

Al-Khatib ayaa dhawaan iska casilay jagada madaxa mucaaradka Syria, diplomaasiyiinta Carabta ayaa marti-qaaday isaga iyo ra’iisul-wasaaraha Ghassan Hitto si ay u matalaan dalka Syria.

Kursiga Syria ee Jaamacadda Carabta ayaa banaanaa tan iyo markii Jaamacaddu ay hakisay xubinnimada Syria sannadkii 2011-kii.

Inta badan xubnaha Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay madaxweynaha Syria, Bashar al-Asad inuu xilka ka dago.
XS
SM
MD
LG