Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul-wasaare Saacid oo Gaaray Kismaayo


Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya iyo xubno uu horkacayo ayaa maanta safar ku tagay magaalada Kismaayo. Maamulka Kismaayo iyo dowladda ayaa kukala aragti duwan qaabka loo dhisayo maamulka Jubbooyinka.

Maamulka Kismaayo ayaa iyagu ku doodaya in dowladdu ay carqaladeynayso qorshaha maamul-u-sameynta gobollada Jubbooyinka, halka dhinaca dowladda Soomaaliya ay iyaduna aaminsan tahay in qorshe walba oo lagu dhisayo maamul ay iyadu lahaato hoggaanka, maamul walbana xagga hoose laga soo dhiso laguna darro dhammaan qeybaha kale duwan ee bulshada.

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa VOAda u sheegay inuu rajo ka qabo in heshiis laga gaari doono khilaafka jira. waxuuna sheegay in saraakiisha maamulka KMG ee Kismayo iyo madaxda dowladdaba uu ka muuqdo rabitaan ku aadan arrimaha la isku hayo.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:16 0:00
XS
SM
MD
LG