Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo ka Hadashay Bixista Ethiopia


Ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ee (AMISOM) ayaa sheegay inaysan waxba badan ka ogeyn qorshaha ay dowladda Ethiopia ciidankeeda ugala baxayso meelo ka tirsan Somalia, oo go’aankaasi uu yaha mid u gaar ah dowladda Ethiopia.

General Cismaan Nuur Subagle, abaanduullaha ciidamada AMISOM, ayaa VOA u sheegay inay maqleen oo kaliya in Ethiopia ay ciidankeeda kala baxday Xuddur, sidoo kalena aysan ogeyn meello kale oo ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan kana baxayaan.

Gen.Cismaan Subagle wuxuu sheegay in ciidanka AMISOM ay ku filan yihiin inay buuxiyaan meel walba oo ay cidianka Ethiopia ka baxdo haddii ay helaan tasiilaadka ay u baahan yihiin.

Dhinaca kale C/rashiid Khaliif Xaashi, oo wasiir ka soo noqday dowladihii hore, ahna agaasime ku-xigeenka Machadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ee Heritage, ayaa sheegay in ka-bixista ciidamada Ethiopia ee Somalia aysan ahayn wax khasaare ah, loona baahan yahay in Soomaalidu ay isku tashato.

C/rashiid Khaliif wuxuu sheegay inay tahay in laga naxo ciidan shisheeye oo Somalia ka baxaya oo laga daba-qeyliynao. C/rashiid Khaliif wuxuu kaloo sheegay in Ethiopia aysan sidaasi ku tageyn, balse ay mar kasta lug ku siilahaan doonto arrimaha Somalia. a

Wareysiyo ay VOA la kala yeelatay Gen. Cismaan Subagle iyo C/rashiid Khaliif Xaashi halkan hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:13:11 0:00
XS
SM
MD
LG