Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sheekh Caalim ah oo lagu Dilay Syria.


Warbaahinta Syria ayaa sheegtay in qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay masjid qadiimi ah oo ku yaalla magaalada Dimishiq ay ku dhinteen 42 qof oo uu ku jiro sheeq weyn oo dowladda taageersan oo lagu magacaabo Maxamed al-Buti.

Warbaahintu waxay sheegtay in in kabadan 80 qof oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxaasi. Ciddina may sheegan mas'uuliyadda qaraxaasi, laakiin hoggaamiyaha mucaaradka Syria, Axmed Moaz al-Khatib ayaa u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska in dilka Sheekh al-Buri uu yahay danbi isla markaana uu si weyn uga soo horjeedo.

Sheekh Al-Buti ayaa muddo dheer taageersanaa qoyska madaxweyne Bashar al-Asad isla markaana si weyn uga soo horjeeday mucaaradka doonayaa inay xukunka ka tuuraan al-Asssad.

Dhinaca kale, Khamiistii shalay, XGQM, Ban Ki-moon ayaa amray baadhitaan lagu sameeyo sheegashada xukuumadda Syria ee ah in mucaaradku ay hubka kiimikada u isticmaaleen weerar gantaal. Ban ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Syria inay ogolaasho buuxa bixiyaan iyo wadashaqey.

Mucaaradka iyo xukuumadda Syria ayaa midba uu midka kale ku eedeeyaan inuu u isticmaalay hubka kiimikada dagaal ka dhacay magaalada Allepo.
XS
SM
MD
LG