Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn: Booqashada Obama ee Bariga Dhexe


Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.
Madaxweynaha Mareeykanka Barack Obama oo ku guda jira lugtii 2aad ee booqasho uu ku kala bixinayo gobolka Bariga Dhexe ayaa tegay magaalada Ramallah ee Daanta galbeed ee dhulka Falastiin.

Mr. Obama ayaa wada hadalo la yeeshey madaxweynaha Falastiin Mohamoud Abbas. Kadib Obama waxaa uu dib ugu laabtey Israel halkaas oo uu khudbad ugu jeediyey ardeyda jaamacadaha ee dalkaasi, kalana hadley arrimo ay ka mid yihiin nabaddda Bariga Dhexe.

Dhinaca kale socdaalka Obama ee gobolka Bariga Dhexe ayaa waxaa hareeyey banaanbaxyo looga soo horjeedo oo ay dhigeen dad reer Falastiin ah oo u arka inuu u janjeero Israaiiliyiinta.

Obama markii uu qabtey xafiiska sannadkii 2009kii waxaa uu magaalada Qaahira ka sheegay in bog cusub u furmayo xiriirka Carabta iyo Mareykanka. Obama waxaa kaloo uu sheegey inuu dadaal u gelayo dib u soo nooleynta wadahadalada nabadeed ee Bariga Dhexe.

Hadaba Mareykanku dhexdhexaad maka yahay siyaasadda Bariga Dhexe. Dr Ali Haji Abiikar oo ah khabiir arrimaha carabta ka faalooda oo jooga magaalada Sanca ee dalka Yeman ayaa falanqynaya su’aashaa iyo kuwo kaleba.

Falanqeynta Dr. Cali Haji Abiikar halkan hoose ka hdagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:12 0:00
XS
SM
MD
LG