Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sagaal qof oo ku Dhimatay Dagaal ka Dhacay Baay


Xaalado dagaal ayaa laga soo sheegayaa degaano ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool ee koonfur galbeed Somalia.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen dagaal shalay galab iyo xalay fiidkii ka dhacay tuulada Awdiinle oo ka tirsan gobolka Bay.

Dagaalka Awdiinle ayaa ku soo beegmaya iyadoo kooxda Al-shabab la sheegay inay galeen magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool maalintii shalay markii halkaasi ay isaga baxeen ciidamada dowladda Ethiopia oo halkaasi ku sugnaa.

Sidoo kale waxa uu ku soo beegmayaa xilli Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Baay Mudane Cabdi Aadan Hoosow uu ku hanjabay in al-Shabab ay ka saari doonaan deegaanada ay kaga suganyihiin gobolkaasi.

warbixin ku saabsan dagaalada Bay iyo Bakool halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:45 0:00
XS
SM
MD
LG