Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Natiijada Doorashada oo Maanta la Filayo


Sarkaal sare oo ka tirsan guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka Kenya ayaa rajo ka muujiyay in guddigu uu maanta oo Jimce ah ku dhawaaqi doono natoojooyinka ugu danbeeya ee doorashada madaxtinimada Kenya.

Ambassador Yusuf Nzibo ayaa sheegay in guddiga doorashadu uu ka fikirayo diidmada ay soo gudbiyeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan xisbiyada siyaasadda ee ku aadan siideynta natiijooyinka doorashadii Isniintii dhacday.
Taageerayaasha laba musharrax ee ugu horreeyey dhinaca tirinta codadka ayaa walaac ka muujiyay doorashada.
Nzibo wuxuu sheegay inay u ogolaadeen xisbiyadda inay eegaan natiijooyinka nusu-saac ka hor intaysan ku dhawaaqin, haddii ay diidan yihiina ay qoraal u qori karaa guddoomiyaha oo isagu ah sarkaal ugu sarreeya doorashada madaxtinimada.
Qaar ka tirsan xisbiyada ayaa dalbaday in dib loo dhigo shaacinta natiijooyinka doorashada si ay wakiiladoodu u eegaan natiijada, balse Yusuf Nzibo wuxuu ka hor-yimid dalabkaasi, isagoo sheegay inuu yahay mid aan dastuuri ahayn.
Nzibo wuxuu sheegay in guddigu uu aad ugu dadaallayo sidii uu ugu dhawaaqi lahaa natiijooyinka si ay u khafiifiyaan xiisadaha jira.
XS
SM
MD
LG