Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu shalay ku debciyey cunaqabatayntii saarnayd Soomaaliya.
Balse dhinaca kale go’aanka waxaa la socda shuruudo cusub oo lagu xakamaynayo hubka culus, iyo in dawladda Soomaaliya ay ku wargeliso Guddiga Cunaqbataynta Qaramada Midoobay markii ay doonayso inay hub soo iibsato.
Madaxii hore ee guddigan qaramada midoobay ee cunaqabataynta Soomaaliya iyo Eretriya Matt Bryden ayaa VOA u sheegay in waxa isbeddelaya uu yahay in dawladda Soomaaliya haatan ay soo iibsna karto hub.
Waxa uu sheegay in hadda ka hor ay dawladuhu taageero dhinaca milatariga ah siin jireen Soomaaliya kaidb marka ay oggolaansho ka helaan Golaha Ammaanka, waxana uu sheegay in taasi hadda meesha ka baxday oo dawladuhu si toos ah u taageeri karaan SOomaaliya.
Halkan ka dhagsyso waraysiga ay VOA la yeelatay Matt Bryden.