Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DFS oo Wadda Olole Caruurta Wax lagu Barayo


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda olole lagu diiwaangalinayo ugu yaraan in hal milyan oo caruur ah ay galaan dugsiyada dadwaynaha muddo sedex sano gudahood ah.

Ololahan muhiimka ah oo ujeedadiisu tahay in dib loogu soo nooleeyo hanaankii waxbarashada dadwynaha ee dalka, ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya la kaashanaysaa hay’adda UNICEF.

Wasiirka Hormarinta iyo Adeega Bulshada ee Soomaaliya Dr. Maryam Qasim oo bilaawday mashruucan oo lagu magcaabo “ Go2School” ayaa haatan ku sugan wadamada Yurub iyadoo wada dadaal ay Soomaalida qurba joogta ah ku dhiirigalinayso inay mashruuca ka qayb qaataan.

Dr. Maryam Qasim oo ka hadlaysay magaalada London ayaa sheegtay in 80% caruurta Soomaaliyeed aaney xilligan iskuul dhigan. Waxa ay sheegtay in kumanaan caruur ah oo da’dooud ka yartahay 13 sano ay u dagaalamaan kooxaha hubaysan ee soomaaliya, ayna doonayso si taa looga baxo in dhamaan caruurta Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh oo bilaasha

Tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991dii ilaa iyo iminka, Soomaaliya ma yeelan hanaanka waxbarashada dadweynaha, badi iskuulada waxbarashada ee haatan ka jira Soomaaliyana waa kuwo si gaara loo leeyahay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:49 0:00
XS
SM
MD
LG