Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya:Tirinta Codadka Doorashada oo Weli Socota


Dalka Kenya, waxaa socota tirinta codadka doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday maalinimadiii isniinta ahayd.

Waxaa jira dib-u-dhacyo la soo gudboonaaday guddiga doorashada oo loo sababaynayo cilad farsamada oo dhinaca computer-ada ah.

Codadka ilaa iyo iminka la tiriyay waxaa ku horeeya musharraxa Uhuru Kenyatta oo haysta in kabadan 2 Malyan iyo 7 boqol oo kun, halka uu ku soo xigo musharaxa Raila Odinga oo haysta in kabadan 2 Milyan iyo boqol kun.

Dhinaca kale magaalada Garisa, waxaa goor dhaweyd lagu dhawaaqay natiijada cidda ku guleystay kursiga senate-ga ee Garisa, waxaana kursigaasi ku guuleystay, Yusuf Xaaji oo ahaa wasiirkii difaaca ee Kenya, iyadoo uu ka guuleystay, Faarax Macalin, gudoomiye kuxigeenkii baarlamaanka oo ay kursiga kuwada tartamayeen.

Dhinaca Xaafadda Kamakuji, ee magaalada Nairobi, Yusuf Xasan Cabdi oo ka tirsan isbahaysiga Jubille ee Uhuru Kenyata ayaa ku guuleystay kursiga baarlamaanka ee xaafadda Kamakuji.

Warar iyo warbixinoo ku saabsan doorashada Kenya halkan hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:18 0:00
XS
SM
MD
LG