Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty oo ka Digtay in Hubka loo Fasxo Somalia


War saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, ayaa lagu sheegay in ay dagdag tahay in Golaha Ammaanka ee QM uu todobaadkan ka doodo in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Hay’adda ayaa ka digtay qaaditaanka talaabada nuucan ahi inay keeni karto in hub fara badan uu gacanta u galo kooxaha hubaysan ee Soomaaliya, sida kooxda Al-Qaacida lala xiriiriyo ee Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in walow meelaha qaar ee dalka Soomaaliya uu amaanku soo hagaagayo sida Muqdisho, in hadana ay wali dadka rayidka ah la kulmaan qatarta ah in la dilo ama la dhaawaco xilliga ay socdaan dagaalada, duqaymaha cirka, weerarada loo adeegsado hoobiyayaasha ama kuwa ismiidaamiya iyo miinooyinka la dhigo dhulka.

Gemma Davies oo Hay’adda HAmnesty International u qaabilsan arrimaha cilmibaarista ee Soomaalia ayaa sheegtay, in hadii aan ilaalo ku filan loo helin hubka la gaynayo Soomaaliya, in taasi ay qatar tii hore ka wayn ku keenayso dadka rayidka ah ee Soomaaliya, ayna uga sii dareyso xaaladda xuquuqda aadanaha.

Golaha Amaanka ayaa maalinta berri ah ka doodi doona in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya, taasi oo uu Maraykanku taageerayo halka qaar ka mid ah wadamada Yurub ay ka caga-jiidayaan in hubka loo fasaxo Soomaaliya.
XS
SM
MD
LG