Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Magaalada Kismaayo


Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta magaalada uu ka dhacay dagaal hubeysan oo sida la sheegayo dhexmaray laba maleeshiyo oo ka tirsan ciidamada magaalada haysta.

Warar kale duwan oo laga helay dagaalka ayaa qaarkood ay sheegayaa in dagaalku uu ka dhashay kadib markii maleeshiyo hubeysan ay weerareen saldhiga magaalada si ay u soo daayaan nin halkaasi ku xirnaa.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in ninka xabsiga ku jiray uu dhintay taasina ay dhalisay in maleeshiyada beesha uu ka dhashay ay ka xanaaqaan kadibna weeraraan saldhiga.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somalia, C/kariin Xuseen Guleed ayaa sheegay in 5 qof ay dagaalka ku dhinteen, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac in colaadda la joojiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa baaq u diray labada dhinac in sida ugu dhakhsiyaha badan dhiiga qubanaya loo joojiyo.

Saacid wuxuu yiri “Waxaa aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen in ay maamul sameystaan”

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo dib loo dhigay shirweyne ka furmi lahaa Kismaayo oo lagu waday in lagu dhiso maamul loo sameeyo gobollada Jubbooyinka.

Dhinaca kale wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda Somalia Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa VOA-da u sheegay in dowladdu aysan waxba kala socon qaban-qaabada shirka Kismaayo isla markaana aaan lagu casuusmin.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay marti-qaad u fiddisay dhammaan dhinacyada Jubbooyinka inay ka soo qeybgalaan shir wadatashi ah oo lagu qabanayo Muqdisho kaasoo looga arrinsanayo maamul u sameynta Jubbooyinka

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:31 0:00
XS
SM
MD
LG