Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriya Waqooyi oo Ka Jawaabtay Dhaleeceyno Loo Soo Jeediya


Xukumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa gaashaanka u daruurtay digniino caalami ah talaadadii shalay waxeyna fulisay tijaabadeedii sadexaad ee nuclear, taasoo dhalisay dhaleeceyn deg deg ah oo kaga timid hogaamiyeyaal kala duwan.

Pyongyang waxey sheegtay In tijaabada oo si guul leh ku dhamaatay ay jawaab u aheyd waxey ugu yeertay “cadaawadda aan ka fiirsiga laheyn ee Mareykanka” ee duniga u horseeday bey tiri cadaadiska caalamiga ah ee cuna qabateynta ku kiijiyay xukumadda Shuuciga ah.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in tijaabadaasi oo dhulka hoostiisa lagu sameeyay loo adeegsaday Bam Nuclear ah oo ka yar kana fudud kuwii hore, balse awood ahaan ka xoog badan, taasoo dhalisay cabsi ah Pyongyang ay guul ka gaartay sameynta nuclear xagmi yar balse xoog badan.

Tijaabada ka dib, ayuu wasaaradda arimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi waxey ka digtay talaabooyin aan la cayimin oo dheeraad ah oo ay qaadi doonto.

Xukumadda ay deriska yihiin ee uu qilaafka kala dhaxeeyo ee Kuuriyada Koonfureed ayaa goor horeba heeggan buux gelisay ciidamadeeda, iyadoo sheegtay in laga yaabo in Kuuriyada Waqooyi ay sameyso tijaabooyin kale.


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa durbadiiba dhaleeceeyay tijaabada Kuuriyada Waqooyi, isagoo ugu yeeray “mid xad gudub weyn ku ah cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran dalkaasi”
XS
SM
MD
LG