Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Meel u Dhow Madaxtooyada


Qarax Madaxtooyada
Qarax Madaxtooyada
Qof isa soo miidaamiyey ayaa isku qarixyey afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay qaraxaasi ku dhinteen laba qof oo midi uu yahay qofkii qaraxa geystay, ayna ku dhaawacmeen sedex kale.

Dad goobjoogayaal ah ayaa idaacadda VOA u sheegay in ninka qaraxa gaystay uu xirnaa suun ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo laba goor isku dayey inuu galo xarunta hay’adda nabadsugidda Soomaaliya.Ninkaasi ayaa la sheegay in markii dambe uu abbaaray hoyga Ra’iisul Wasaaraha kadibna uu isku qarxiyey bannaankiisa. Ninka kale ee dhintay ayaa ahaa askari ka tirsanaa ciidanka dawlafdda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdullahi Ciilmooge ayaa sheegay in ninka weerarka ismiidaaminta ah soo qaaday uu hore uga tirsanaan jiray ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, laakiinse kooxda Alshabaab oo xiriir la leh kooxda Al-Qaida ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weerarro noocan oo kale oo qeyb ka ahaa dagaalkooda ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxii bishii September lagu weeraray Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmo uun ka dib markii uu talada la wareegay, qaraxaas oo uu madaxweynuhu ka badbaaday.

Warar iyo warbixin ku saabsan qaraxa halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:06 0:00
XS
SM
MD
LG