Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Xirtay Saraakiil Musuq-maasuq Sameeyay


Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay mas’uuliyiin uu ku jiro agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada Muuse Faarax Xayd oo lagu eedeeyay inay musuq-maasuqeen deeq waxbarasho oo dowladda Soomaaliya ay ka heshay dalka Turkey.

Maryan Qaasim, wasiirka adeegga bulshada oo ay hoos timaado wasaaradda waxbarashada ayaa VOA u xaqiijisay xadhiga agaasimihii hore, iyadoo sheegtay in dadka xiran uu ku jiro wiil uu dhalay agaasimihii wasaaradda waxbarashada.

Maryan ayaa sheegtay in xadhigan uu dhacay kadib markii ay dacwoodeen dad sheegay in lacag laga qaatay iyadoo loo sheegay in caruurtooda loo dhoofinayo Turkey.

Musuq-maasuq baahsan ayaa la sheegay inuu ka jiro hay'addaha dowladda Soomaaliya, balse dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay la dagaalami doono musuq-maasuqa sidoo kalena gacan bir ah ku qaban doonto cid kasta oo lagu helo musuq-maasuq.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:32 0:00
XS
SM
MD
LG