Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida Makarafoonka: Qaadka UK Iyo Soomaalida


Guddi dowladda Britain u xilsaartay baadhitaanno la xiriira dhibaatada qaadka ayaa diiday in qaadka laga mamnuuco Britain. Guddigan ayaa sheegay inaysan jirin caddeyn muujinayso in qaadku dhibaato leeyahay.

Guddigan ayaa sheegay inaysan jirin caddeymo muujinaya in qaadku uu dhaliyo dhibaato caafimaad.

Qaadka ayaa Britain looga soo dhoofiyaa Afrika, waxaana dadka aad u istcimaala ka mid ah Soomaalida.

Soomaali fara badan ayaa olole weyn u galay sidii qaadka looga macnuuci lahaa dalka UK, iyagoo sheegay inuu dhibaato weyn ku hayo mushtamaca Soomaalida ee Britain degan.

Abuukar Cawaale oo ka mid ah Soomaalida u ololeysa in qaadka laga mamnuuco Britain ayaa wariyeheena Falastiin Axmed Iiman uga waramay dhibaatada qaadka barmaamijka Martida.

please wait

No media source currently available

0:00 0:16:31 0:00
XS
SM
MD
LG