Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddi Diiday in Qaadka laga Mamnuuco Britain.


Qaadka
Qaadka
Guddi dowladda Britain u xilsaartay baadhitaanno la xiriira dhibaatada qaadka ayaa diiday in qaadka laga mamnuuco Britain. Guddigan ayaa sheegay inaysan jirin caddeyn muujinayso in qaadku dhibaato leeyahay.

Guddi dowladda Brirtain u xilsaartay inay ka talabixiyaan dhibaatada qaadka ayaa diiday in qaadka laga macmuuno Britain.

Guddigan ayaa soo jeediyay in mansabka qaadka sidiisa loo daayo, isla markaana aan lagu dabaqin xeerarka lagula tacaalo isticmaalka mukhaadaraadka sida xun loo isticmaallo.

Guddigan ayaa sheegay inaysan jirin caddeymo muujinaya in qaadku uu dhaliyo dhibaato caafimaad.

Guddiga ayaa soo saaray warbixin ay wasaaradda arrimaha gudaha UK u xilsaartay taasoo lagu baadhay dhibaatada shaqsi iyo tan bulsho ee qaadku ku hayo dadka ku dhaqan Britain.

Qaadka ayaa Britain looga soo dhoofiyaa Afrika, waxaana dadka aad u istcimaala ka mid ah Soomaalida.

Soomaali fara badan ayaa olole weyn u galay sidii qaadka looga macnuuci lahaa dalka UK, iyagoo sheegay inuu dhibaato weyn ku hayo mushtamaca Soomaalida ee Britain degan.

Abuukar Cawaale oo ka mid ah Soomaalida u ololeysa in qaadka laga mamnuuco Britain ayaa VOA uga warramay sida uu go'aankan u arko iyo talaabada ay qaadayaan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:15 0:00
XS
SM
MD
LG