Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali la soo Taagay Maxkamad ku taalla New York

The Brooklyn Bridge is seen before the lights are turned off, in participation with Earth Hour, in New York March 31, 2012. Lights started going off around the world on Saturday in a show of support for renewable energy. REUTERS/Allison Joyce (UNITED STAT

Saddex dhalinyaro Soomaali ah oo dhawaan lagu xiray qaaradda Afrika ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada New York iyagoo lagu eedeeyay inay tababar la qaadanayeen ururka al-Shabaab.

Saddexdan dhalinyarada ah oo lagu kala magacaabo, Cali Yaasiin Axmed, Mahdi Xaashi iyo Maxamed Yusuf ayaa shalay oo Jimce ahayd la horkeenay maxkamad ku taalla Brookly si ay u wajahaan danbiyo ah inay ka qeybgaleen tababarada barnaamijyada qaraxyada ismiidaminta ah ee ururka al-Shabaab.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegaysa in dhalinyaradan la qabtay iyagoo u safraya dhinaca dalka Yemen.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhalinyaradan Mahdi Xaashi lagu waayay geeska Afrika kadib markii dhawaan lagala noqday dhalashada dalka Britain halka labada kale la sheegayo inay haystaan dhalashada dalka Sweden.

Haddii danbiyada lagu soo oogay lagu helo waxay saddexdan mutaysan doonaan ugu yaraan 30 sanno oo xadhig ah ama xabsi daa;in.
XS
SM
MD
LG