Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markabkii laga Kaxaystay Dekedda Boosaaso oo la soo Celiyey


Markabkii MV Daeson, ee habeen hore askar ka tirsan maamulka Puntland ay ka kaxeysteen dekedda Boosaaso, ayaa hadda dib loogu soo celiyey isla dekedda magaaladaas.

Markabkan ayaa xilli hore maamulku uu ka soo qabtay xeebaha Buruc, degmada Qandala ee gobolka Bari, kadib markii markabka lagu eedeeyey inuu xeebaha ku daadiyay shamiito qoyan oo uu ka soo celiyay dekedda Muqdisho markii ay diideen ganacsatadii loo waday.

Goobjooge ku sugan dekedda magaalada Boosaaso ayaa VOAda u xaqiijiyey warkan. Maamulka Puntland ayaan isagu ka hadlin qafaalashada markabka iyo soo celintiisa midkoodna.

Markab waxaa saaran 33 shaqaale ah, waxaana laga leeyahay dalka Kuuriyada Waqooyi
XS
SM
MD
LG