Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo Markab Afduubtay


Askar ka tirsan ciidanka badda Puntland
Askar ka tirsan ciidanka badda Puntland
Askar ka tirsan ciidanka Puntlanda ayaa xalay Boosaaso kala baxsaday markab dhawaan laga soo qabtay xeebaha kaasoo badda ku daadinayay shamiito qoyday. Markab waxaa saaran 33 shaqaale ah, waxaana laga leeyahay Kuuriyada Waqooyi

Markabkan oo lagu magacaabo MV Daesan ayaa Puntland ay ka soo qabatay xeebaha kadib markii lagu eedeeyey inuu xeebaha ku daadiyay shamiito qoyan oo uu ka soo celiyay dekedda Muqdisho markii ay diideen ganacsatada uu u waday.

Wararka ayaa sheegaya in laba doonyood oo ka tirsan ciidanka badda ee Puntland ay ku dabajiraan markabkaas la afduubtay si ay u soo furtaan.
XS
SM
MD
LG