Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay xaafadda Islii ee Nairobi.


Xaafadda Islii waxaa ka dhacay qarax.Waxaa jira warar sheegaya in ilaa saddex qarax ay dhaceen. Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay meel u dhow masjidka al-Hidaaya oo ah masjidkii dhawaan lagu dhaawacmay xildhibaan Yusuf Xasan.

Si rasmi ah looma oga qaraxaasi iyo waxa dhaliyay, hasse yeeshee wareyska Standard ayaa isagoo soo xiganaya booliska wuxuu qoray in ugu yaraan hal qof uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay meel u dhow masaajid.

Masjidkaasi oo lagu magacaabo al-Hidaaya ayuu sidoo kale uu ka dhacay qarax 7-dii bishan kaasoo uu ku dhaawacay xildhibaanka Yuusuf Xasan Cabdi markii bambo gacmeed lagu soo tuuray.

Qaraxaasi 7-dii bisha waxaa ku dhintay 3 qof, 10 kalena way ku dhaawacmeen.

Dhawaanahan waxaa xaafadda Islii ka dhacayay qaraxyo xiriir ah oo mas'uuliyiinta Kenya ay ku eedeeyeen inay ka danbeyso kooxda al-Shabab ee dalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay mas'uuliyadda qaraxyada.
XS
SM
MD
LG