Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo $1.3 Billion u Dalabtay Gargaarka Somalia


Qaramada Midoobay ayaa maanta Muqdisho uga dhawaaqday dalab lacageed oo lagu bixinayo gar-gaar dalka Soomaaliya ee saddexda sanno ee soo socota.

Stefano Porretti ku-simaha isu-duwaha gar-gaarka bini-aadanimo ee QM ee Soomaaliya, ayaa maanta Muqdisho ka sheegay in loo baahan yahay lacag gaarasaa 1.3 Billion oo Dollar oo lagu bixin doono barnaamiyada ga-gaar ee saddexda sanno ee soo socota 2013-ilaa 2015-ka kuwaasoo caawin doona 3.8 malyuun oo Soomaali ah.

Porretti wuxuu sheegay in xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ay wali khatar tahay, wuxuuna intaa ku darat in sidoo kale la sameeyay horumarka dhinaca cuntada iyo nabadgelyada Muqdisho oo taasi ay fursad siinayso in lagu dhammeeyo dhibaatooyinkii ay keeneen abaaraha iyo colaadda.

Porretti wuxuu sheegay inay lama huraan ahayd in caalamku uu siii wado taageerista howlaha biniaadanimo ee laga wado Soomaaliya.

Stefano Porretti ayaa hadalkan Muqdisho uga dhawaaqay kadib kulan uu la qaatay wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Waana markii ugu horreysay ee Qaramada Midoobay ay dalabkan uga dhawaaqdo Muqdisho
XS
SM
MD
LG