Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Desalegn: Ciidankeenu way sii Joogayaan Somalia


Madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisulwasaaraha Ethiopia
Madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisulwasaaraha Ethiopia

Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia, ayaa sheegay in Ciidankiisu ay joogayaan Somalia ilaa iyo inta ay howsha kala wareegayaan AMISOM. Ra'iisul-wasaaraha iyo madaxweynaha Somalia ayaa ku kulmay Addis Ababa.

Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in ciidamaiisu ay sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa intaa ay howsha kala wareegayaan ciidamada Midowga Africaee AMISOM.

RW Desalegn ayaa sheegay inaysa sugayaan in ciidanka AMISOM ay u yimaadaan si ay howsha ugala wareegaan, balse ilaa iyo intaasi dhacaysana aysan jiri doonin dabacsanaan kalifta in ururka al-Shabaab u dib ugu soo noqdo goobihiii laga saaray.

Ra'iisul-wasaare Desalegn wuxuu sheegay inay Somalia ka taageeri doonaan dib u dhiska hay’adaha dowladda isla markaana tababaro u fidinayaan ciidamada Somalia .

Balanqaadkan ayuu Mr. Desalegn ka sheegay shir jaraaid oo uu Addis Ababa kula qabtay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud booqashadii ugu horeeysay ay uga bilaabatay dalka Ethiopia.

Faahfaahinta sheekadan halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:39 0:00
XS
SM
MD
LG