Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mursi iyo Garsoorayaasha Masar oo Kulmaya


Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi, ayaa kulan la qaadanaya Golaha Sare ee Garsoorayaasha, iyadoo ay garsoorayaashu doonayaan inay ka dhaadhiciyaan madaxweynaha inuu yareeyo awoodaha badan ee uu todobaadkii hore ku dhawaaqay inuu la wareegay.

Wareegtada uu Mursi awoodaha kula wareegay ayaa keentay banaanbaxyo ay dhigayaan mucaaradku, kuwaas oo weli ka socda fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira maalintii afaraad. Mudaharaadayaasha ayaa codsanaya in madaxweynuhu uu ka laabto go’aankiisii. Mucaaradka iyo taageerayaasha madaxweynaha ayaa ku baaqay dibadbaxyo iska soo horjeeda oo berri oo Talaado ah ka dhici doona magaalada.

Madaxweyne Mursi, ayaa sheegay in go’aannada wareegtadiisu ay yihiin kuwo ku-meel gaara ayna ku egyihiin marka dastuurka dib loo qoro, gole baarlamaan oo cusubna la doorto.
XS
SM
MD
LG