Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Odinga: Dadka Gaarisa waa in Magdhow la Siiyaa


Ra’iisul-wasaaraha Kenya Raila Odinga, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Gaarisa ee waqooyi-bari Kenya halkaasoo todobaadkan ay ka dhaceen rabshado ay ku lug lahaayeen militariga Kenya kaasoo lagu gubay suuqii weynaa ee Gaarisa.

Raila Odinga ayaa booqday suuqa gubtay, wuxuuna dadka reer Gaarisa ka raali galiyey dhibkii ka soo gaaray rabshadahaasi, isagoo sheegay in magdhow la siinayo dadkii ay khasaaruhu ka soo gaareen suuqa gubtay iyo waliba rabshadihii halkaasi ka dhacay.

Dhinaca kale, Booliska Kenya ayaa sheegay shalay in saddex qof ay u hayaan qaraxii bus-ka ee toddobaadkan ka dhacay xaafadda Islii ee Nairobi.

Weriyaha VOA Gaarisa Maxamed Faarax Shire ayaa warbixin ka soo diray safarka Raila Odinga ee Gaarisa.

Warbixinta oo dhanna ka dhageyso halkan hoose.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:55 0:00
XS
SM
MD
LG