Wasiirka arrimaha dibedda Masar, Maxamed Kamel Camar ayaa hadalkan kaga dhawaaqay magaalada Qaahira isagoo ay la taagnayn xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton.
Xabad-joojinta ayaa imanaysa saacaddo yar kadib markii dadaallo nabadeed ay socdeen oo ay ku lug lahaayeen, Xoghaye Clinton iyo XGQM, Ban ki-Moon.
Clinton ayaa ammaantay dowladda cusub ee Masar dadaalka iyo doorka ay arrintan ka qaadatay, iyadoo sheegtay in Masar iyo Maraykanku ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan talaabbo xigta ee la qaadayo.
Inta aan xabad-joojinta lagu dhawaaqin, weerarro ayaa ruxay labada dhinacba. Ugu yaraan 11 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza, iyadoo 21 Israaeliyiin ah lagu dhaawacay qarax bus oo ka dhacay Tel Aviv.
140 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay tan iyo markii ay bilowdeen dagaalka u dhaxeeya iyaga iyo Israel, halka Falastiin ay uga dhinteen 5 qof.
Sawirro: Duqeynta Marinta Gaza
1/11Qiiq ka baxaya goob ay duqeeyeen diyaaradaha Israel. Gaza, November 21, 2012.
2/11Israaeliyiin daawanaya bus lagu qarxiyay magaalada Tel Aviv, Israel, November 21, 2012.
3/11shaqaalaha caafimaadka ee Israeli oo sida qof ku dhaawacmay buska lagu qarxiyay Tel Aviv, Israel, November 21, 2012.
4/11Cidiamada Israeli see ku sugan meel u dhow xadka Israel-Gaza , November 20, 2012.
5/11Falastiini qiimeynaya bur-bur soo gaaray garoon ciyaareed oo ay duqeeyeen diyaaradaha Israel, Gaza City, November 19, 2012.
6/11Qiiq ka baxaya guryo la duqeeyay Gaza, November 19, 2012.
7/11Nin Falastiini ah oo ruxaya calanka Falestin dibadbax looga soo horjeedo duqeynta Israel. Ramallah, November 18, 2012.
8/11Kooxaha gurmadka Falastiiniyiinta oo caawinaya qof ka soo bixiynaya guri burburiyay hoostiisa Gaza City, November 18, 2012.
9/11Qalabka Israel ee ka hortaga Gantaallada ka imanaya dhinaca Xamaas, Ashdod, Israel, November 16, 2012.