Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Booliiska Kenya ah oo Lagu Dilay Bartamaha Gaarisa


Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee gobalka Wuqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in laba askari oo ka tirsan ciidanka amaanka ay rag hubeysani ku toogteen bartama magaalada.

Labadan askari oo ka mid ahaa qeybta sirdoonka ee booliiska Kenya, ayaa lagu toogtay bartamaha Suuq Mugdi ee magaalada Gaarisa, xilli ay gudnayeen howlahooda shaqo.

Ciidamada Aamaanka ee Kenya ayaa lagu soo daadiyey wadooyinka magaalda iyagoo wada howl gallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka danbeeyey dilka labada askari, shacabka ku dhaqan magaaladuna waxa ay baneeyeen gooabaha ganacsiga cabsi darrteed.

Wariyaha VOA Maxamed Faarax Shire oo la hadlay ciidanka booliiska ee magaalada Gaarisa, ayaa sheegay in aaney jirin ilaa iyo hadda cid loo qabtay dilka labada askari, balse ay ciidmadu ku daba jiraan kuwii weerarka geystay.
XS
SM
MD
LG