Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul-wasaaraha Masar oo Gaza Booqday


Hesham Qandil, RW Masar oo safar 2 saacadood qaatay ku tagay Gaza ayaa sheegay in Masar ay ka shaqeynayso sidii ay xabad joojin u dhexmari lahayd Israel iyo Falastiiniyiinta Gaza.

Ra'iisul-wasaare Qandil wuxuu wacad ku maray in dalkiisu uu sii kordhin doono dadaalka uu ku joojinayaan wuxuu ugu yeedhay "gardarrada" Israel ee ay ka wado Gaza iyo waliba xabad joojin dhexmarta Israel iyo Falastiiniyiinta.

Mr. Qandil waxay isaga iyo ra'iisul-wasaaraha Xamaas, Ismaacil Haniyah ay booqdeen Cisbitaal ku aayyal.

Xabad joojin muddo yar jirtay intii uu safarka ku joogay Ra'iisul-wasaaraha Masar ayaa bur-burtay. Israel waxay sheegtay inaysan iyadu wax weerar ah ka geysan Gaza intii uu ra'iisul-wasaaruhu joogay, in kastoo maleeshiyada ururka Xamaas ay 50 gantaal ku riddeen dhinaca Israel.

Dhinaca kale, Xamaas waxay sheegtay in weerar ay Israel geysatay maanta oo Jimce ah ay ku dhinteen laba qof waqooyiga Gaza.

Weerarrada labada dhinac ee toddobaadkan ayaa waxaa ku dhintay 25 Falastiiniyiin ah iyo 3 Israeliyiin ah.
XS
SM
MD
LG