Isku xirrada

War Deg-Deg ah

MSF oo Joojisay Adeeggii Caafimaad ee Baladweyne


Hay'adda MSF ayaa Joojisay adeegyadii caafimaad ee Isbitaalka Baladweyne ee gobalka Hiiraan, ka dib markii ay sheegtay inay ka soo saartey xaaladdii deg degga aheyd ee Isbitaalkaasi uu kusoo jirey lixdii sano e la soo dhaafay.

Agaasimaha Isbitaalka Beledwyne Axmed Maxamed Khaliif ayaa sheegay in lixdii sano ee ay hay'addu ka shaqaynaysay Isbitaalka Baladweyne ay wax badan ka qabatay xaaladda caafimaad ee deegaanka mahadna ay mudantahay. Agaasimaha ayaa wariyaheenna Sahra Abdi Ahmed u sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo ay hay'addu uga baxayso magaalada,

Dhinaca kalena Warbixin ay soo saartay Hay’adda MSF ayaa lagu sheegay in la ogaaday nooc ka mid ah bacteria da cudurka TB da oo adkaysi u leh daawada lagula tacaalo cudurkaasi kadib markii baaritaan lagu sameeyey wadamo dhowr ah. Baaritaanka qaaxada cusub ayaa muuiyey in degdeg loogu baahan yahay in wax laga qabto dhibaatada nooc ka mid ah cudurka qaaxada,

Warbixin iyo wareysi arrintaa la xiriira hoos ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:05 0:00
XS
SM
MD
LG