Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha oo la Kulmay Xildhibaanno Wada Mooshin


Baarlamaanka
Baarlamaanka
Xukuumadda cusub ee Ra’iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wali dadaal dheer ugu jirto sidii ay u heli lahayd in baarlamaanku ansixiyo, kaddib markii ay shalay ka baaqsatay inay baarlamaanka horkeento barnaamijkeedda siyaasadeed.

Baaqashadaasi ayaa lagu macneeyay kaddib markii ay soo baxeen inay jirto diidmo ka imanaysa xildhibaananda qaarkood oo iyagu watay mooshin ka dhan ah xukuumadda, kaasi oo ay ku dalbanayaan in golaha wasiiradda la soo dhameystiro inta aan la baarlamaanka la hor-geyn.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagu wada sidii uu xildhibaannadan uga dhaadhicin lahaa inay xukuumadda ansixiyaan isla markaana ogolaadaan tirada golaha wasiiradda.

Madaxweynaha iyo guddiga ka socday xildhibaannadan ayaa maanta kulmay, kuwaasoo soo madaxweynaha u gudbiyay qoraal ay ku sheegeen in sida uu qabo qodob ku jira dastuurka xukuumadda la soo dhamaystiro intaan loo raadin ansixin.

Haddaba kulankasi waxaa VOA uga warramay, Maxamed Nuurani Bakar oo ka mid ahaa xubnihii maanta la kulmay madaxweynaha.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:12 0:00
XS
SM
MD
LG