Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Diidan in Kismaayo Dhuxul laga Dhoofiyo


Dowlada Soomaaliya ayaa ka walaacsan in la jabiyo qaraarka QM ee mamnuucaya in dhuxusha laga dhoofiyo dekedda Kismaayo.

War-saxaafadeed ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ku celisay taageerada ay u hayso ilaalinta mamnuucidda saaran dhoofinta dhuxusha, iyadoo la raacayo qaraarka QM ee lagu codsanayo in laga hortago in loo dhoofiyo ama laga soo dhoofiyo Soomaaliya dhuxusha.

Dowladdu waxay sheegtay inay samaynayso ciidamo gaar ah si loo hubiyo loogana hortago in la jabiyo cunaqabateynta saaran dhoofinta dhuxusha ee Kismaayo.

Dowladdu waxay sheegtay in isticmaalka dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ay kaliya u furan yihiin adeegyada bini'aadanimo, ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladduna ay hubinayaan inay howshaasi ay sii wadaan ilaa maamul KMG ah laga dhisayo.

Dowladdu waxay sheegtay in hoggaamiyaasha maxaliga ee Kismaayo ay saaran tahay mas'uuliyad ay danta dadka ka hor-mariyaan danahoodo gaarka ah iyo kala-duwanaashaha siyaasadda, isla markaana hubiyaan amniga, xasiloonida soona celiyaan kalsoonida shacabka.

Dowladdu waxay sheegtay in dhuxusha taalla Kismaayo haatan lagu xarayn doono bakhaaro, dowladduna ay la iman doonto qorshe iyo habka ugu fiican ee waxlooga qaban karo.

Hadalkan dowladda ayaa soo baxay kaddib markii ciidanka Kenya ee AMISOM ka tirsan ay talisa dhexe ee AMISOM u gudbiyeen codsi sheegayay in la qaado mamnuucida dhoofinta dhuxusha, codsigaasi oo ciidanka Kenya ay sheegeen inuu ka yimid dadka degan Kismaayo, sidaasina waxaa VOA u sheegay afhayeenka ciidamada Kenya.
XS
SM
MD
LG