Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xulka Soomaaliya oo Laga Saaray Cayaaraha Afrika


ciyaaraha
ciyaaraha

Xiriirka ciyaaraha kubbada cagta ee Afrika CAF ayaa xulka Soomaalida ee ee da'doou ka yar tahay 17 ka reebay tartanka Afrika kana qaaday dhibcihii kaddib markii ay caddeyn waayeen da'dooda.

Xulka Kubbadda cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 ayaa laga reebay tartanka ciyaaraha xulalka qaaradda Afrika, iyadoo sidoo kalena laga qaaday saddex dhibcood oo ay ka heleen ciyaar ay ka baddiyeen xulka dalka Sudan.

Go'aankan ayaa yimid kaddib markii xiriirka ciyaaraha Africa ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano CAF uu sheegay in xiriirka kubbada cagta Soomaaliya uu ku guul-dareystay fulinta shuruuddo dhigaya in ciyaartoyda Soomaalida la mariyo baadhitaan raajo ah ee qalabka MRI si loo ogaado da'da ciyaartooyda Soomaaliyeed ee ka yar 17-ka

Xiriirka CAF wuxuu sheegay in xulka Soomaaliya laga reebay tartanka, isla markaana xulka Sudan oo Soomaaliya ay horey uga baddisay loo ogolaaday in ay qaataan dhibcihii ciyaartaasi dib ugu noqdaan ciyaaraha iyagoo u gudbaya wareega labaad lana ciyaari doona dalka Algeria ciyaar dhici doonta bishan October.

Cabdiqanid Siciid Carab, XGXSKC, ayaa sheegay in dhibaatadda ka jirta Soomaaliya aawadeed ay awoodi waayeen inay baadhitaankaasi raajada saaraan ciyaartoyda Soomaalida, wuxuuna sidoo kale sheegay in xiriirka Soomaalidu uu awood u heli waayay in raajadaasi ay ciyaartooyda Soomaalida ka soo saaraan dalalka deriska.


Dhageyso wareysiga C/qani Carab.
XS
SM
MD
LG