Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Ciidankeenu Kismaayo ayuu Gaaray


Kenya ayaa sheegtay in ciidankeeda iyo kuwa Soomaalida ay gudaha u galeen qeybta waqooyi ee magaalada Kismaayo. al-Shabab ayaa sheegtay in magaalada ay si buuxda gacantodoa ugu jirto.

Militariga Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa Soomaalidu ay galeen qeybo ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobollka Jubbada Hoose.

Afhayeenka ciidamada Kenya, Colonel Cyrus Oguna ayaa sheegay in saaka aroortii ay weerar cirka iyo dhinaca badda ah ku qaadeen magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in soo gelitaanka magaalada aysan la kulmin wax iska caabin oo xoog leh.

Wararka ayaa sheegaya in maraakiib ay leedahay Kenya ay ciidamo ka soo dajiyeen xeebta dhinaca waqooyi ee magaalada.

al-Shabaab ayaa sheegtay in magaaladu ay si buuxda gacantooda ugu jirto.
XS
SM
MD
LG