Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faallo: Shirweynaha Xisbiga Jamhuuriga


Musharraxa madaxweynenimo ee xisbiga Jamhuuriga, Mitt Romeny ayaa xalay khudbad ka jeediyay shirweynaha xisbigiisa, isagoo wacad ku maray inuu soo celin doono wuxuu ugu yeeray "Balantii Maraykanka" haddii xilka madaxtinimada loo doorto bisha November.

Romney wuxuu si weyn u dhaliilay madaxweyne Obama, isagoo sheegay in dadka Maraykanku ay Obama ku taageereen niyad fiican, laakiin haatan la gaaray wakhtigii la baddali lahaa. Romney wuxuu sheegay in maanta ay timid wakhtigii la iloobi lahaa niyad-jabkii lala kulmay afartii sanno ee la soo dhaafay.

Daawo Khudbaddii Romney

Mitt Romney wuxuu sheegay haddii xilka loo doorto inuu diirada saari doono kordhinta dhaqaalaha, wuxuuna wacad ku maray inuu abuuri doono 12 Malyuun oo shaqooyin cusub si uu Maraykanka noqdo dal tamarta ka madax-bannaan ugu danbeyn sannadka 2020.
Musharraxa madaxweynenimo ee Jamhuurigu wuxu kaloo wacad ku maray inuu heshiisyo ganacsi oo cusub uu la sameyn doono waddamo kale duwan, wuxuuse ka digay in waddankii khiyaama heshiisyadaasi uu la kulmi doono cawaaqibxumo.
Mr. Romney wuxuu kaloo balan ku qaaday siyaasadda arrimaha dibedda oo ka duwan tan haatan, oo ay ku jirto inuu xoojiyo xiriirka Isreal isla markaana talaabo adag ku wajaho xiriirka dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Iran.

Romney wuxuu sheegay in dadka Maraykanku ay ku farxeen markii madaxweyne Obama uu bixiyay amarkii ay kumaandoosta Maraykanku ku dileen Osama Bin Laden, balse wuxuu dhinaca kale sheegay in qof kasta oo Maraykan ah uu amni ka yar kii hore dareemayo sababo ay ugu wacan tahay in Madaxweyne Obama uu ku guuldaraystay yaraynta halista ka imanaysa dalka Iran.

XS
SM
MD
LG