Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IGAD oo soo Dhaweysay Dhameystirka Xilliga KMG


IGAD LOGO
IGAD LOGO
Urur goboleedka IGAD ayaa u hambalyeeyay madaxda kooxaha Soomaaliya dhameysitrka xilliga kala guurka iyo waliba doorashada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay guusha dhameytirka howsha dhiman ay xasaasi u tahay soo afjarida xilliga kala guurka, sidoo kalena ay muhiim u tahay in Soomaaliya ay u gudubto nabad iyo horumar.

Uruka IGAD wuxuu sheegay in inkasta oo howsha dhiman ay weyn tahay uu haddana rumeysan yahay in howshu tahay mid la fulin karo, wuxuuna ku booriyay madaxda kooxaha Soomaalida inay howlaha ku sii wadaan mas’uulliyadii ay muujiyeen tan iyo markii la bilaabay qorshaha road-mapka.

War-saxaafadeedka IGAD waxaa lagu sheegay in uu rajaynayo in kulamada baarlamaanku ay furmaan 25 iyo 26 iyo waliba doorashada guddoonka baarlamaanka.
XS
SM
MD
LG