Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka Cusub oo Yeelanaya Kulankoodii u Horreeyay


Waxaa maanta ku eg wakhtiga KMG ee hay'addaha dowladda Soomaaliya, waxaana furmaya fadhiga ugu horreeya ee baarlamaanka cusub si ay u magacaabaan guddoomiye kaddibna u doortaan madaxweyne.
Guddiga farsamada ayaa haatan ku guda jira bixinta warqaddaha aqoonsiga ee xildhibaannada cusub. ilaa 225 xildhibaan ayaa la filayaa inay maanta ka qeybgalaan fadhiga u horreeya. Guddiga farsamada ayaa VOA u sheegay inay haatan isku-shaandheyn ku wadaan 30 xildhibaan oo cusub oo dhawaanna ay filayaa inay magacyadooda soo gudbiyaa.
Fadhiga ugu horreeya waxaa la filayaa in la dhaariyo xildhibaannada, kaddibna waxay xildhibaannadu iska soo dhex-xulli doonaan shaqsiga ugu da'da weyn si uu shir-guddoomiye u noqdo.
Muqdisho waxaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq ku wajahan fadhiga maanta, waxayna dadku filayaa in maanta la dhameystiro xilliga kumeel-gaarka hay'addaha dowladda oo soo socday tan iyo sannadkii 2004-ta.
XS
SM
MD
LG