Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cayaarihii Olombikada London oo Xalay Soo Xirmay


Xafladii xiritaanka ciyaaraha Olombikada ee London ayaa waxaa lagu soo bandhigay damaashaad iyo bandhigyo kala duwan oo dunida oo dhan laga daawanayay.

Maalintii ugu dambeysay ee cayaaraha ayaa ku soo idlaaday iyadoo dalka Mareykanka uu weli ku sareeyo xagga biladaha isagoo heysta guud ahaan 104 biladood oo 46 ka mid ah ay dahab yihiin

Dalka Shiinaha oo ku soo xiga ayaa kaalinta labaad xagga biladaha ku jira waxuuna helay 87 biladood 38 ka mid ahna ay yihiin dahab

Dalka Ingiriiska oo ciyaaraha lagu qabanayay ayaa dhinaca biladaha dahabka ka galay kaalinta sadexaad isagoo shan biladood un ka hooseeya dalka Raashiya.

Raashiya ayaa ka gashay kaalinta sadexaad marka la eego tirada guud ee biladaha halka Britian ay ka gashay kaalinta afaraad.

Baraaziil oo ah dalka martigelin doona cayaaraha olombikada ee sanada 2016ka ayaa ku soo bandhigay xiritaanka ciyaaraha ee xalay mahrajaan loogu magac daray Rio-Style oo ka koobnaa kooxo durbaano garaacayay iyo qaar qoob ka ciyaarayay.
Waxii ugu weynaa ee dhacay maalintii ugu dambeysay ee ciyaaraha ayaa ahaa markii orodyahanka reer Ugadna Stephen Kiprotij uu ku guuleystay biladda dahabka ee orodka dheer ee ragga.

Taasoo aheyd biladii ugu horeysay ee ay Uganda ku guuleysato muddo 40 sanadood ah.
XS
SM
MD
LG