Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciyaaraha Olombikada oo Xalay Furmay


Xafladii Furitaanka Olmpics
Xafladii Furitaanka Olmpics

Boqoradda Dalka Ingiriiska Queen Elizebeth ayaa xalay si rasmi ah uga dhawaaqday magaalada London in ciyaaraha Olombikada Aduunka ay si rasmi ah u furmeen, ka hor inta aysan todobo dhalinyaro ah oo ka mid cayaaryahanada ciyaaraha Fudud aysan si rasmi ah u daarin holaca dhaqan ahaan lagu furo Cayaaraha Olombikada.


Ilaa iyo 205 wadan oo ciyaaryahano ka socda ay ka qeybgalayaan ciyaarahan ayaa socod ku soo maray garoonkii ay ka dhaceysay xafladda Furitaanka.

Waxaa ciyaarhanadii halkaasi socodka ku soo marayay ka mid ahaa Samsam Faarax iyo Maxamed Xassan Maxamed oo matalaya Somalia


Wariye London Ridwaan Xaaji Cabdi Wali ayaa wax yar ka hor inta aysan dhicin Xafladda Furtaanka Olombikada la kulmay labadan ciyaaryahan waxuuna ugu horeyn weydiiyay Maxamed Xassan Maxamed rajada uu ka qabo in guula uu ka soo hooyo cayaarahan

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:02 0:00
XS
SM
MD
LG