Xaawo Maxamed Xasan iyo Aamina Cali Faarax oo loo heystay inay xiriir la lahaayeen kooxda Al-Shabaab, ayaa maxkamad ku taalla gobalka Minnesota ay ku kala xukuntay 10 sano iyo 20 sano oo xarig ah. Faahfaahin
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa maanta oo Khamiis ah Aqalka Cad ku soo dhaweynaya ra’iisul-wasaaraha wadanka Turkey Recep Tayyip Erdogan, si ay uga wadaxaajoodaan xaaladda Syria iyo ammaanka gobalka. Faahfaahin
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay hogaan cusub oo ay yeelato Hay'adda Cashuurta Maraykanka (IRS), ka dib markii lagu eedeeyey inay bartilmaameedsato dad gaar ah. Faahfaahin
Maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, ayaa 4 qof oo kale oo Soomaaliya ku xukuntay xukunno xabsi ah, ka dib markii lagu helay inay ku lug lahaayeen dhalinyaro ka tagtay Minnesota oo ka soo dagaalantay Soomaaliya. Faahfaahin
Doodii ku saabsaneyd weerarkii lagu qaaday sanadkii hore Qunsuliyadda Mareykanka ee Libya oo soo cusboonaatay Faahfaahin
Magaaladan Washington waxaa shalay ka furmay kulanka qurbta joogta caalamiga ah ee ku nool dalka Mareykanka, kaasoo ay soo qabanqaabisay hay'adda USAID, ayaa waxaa ka qeyb galay qurbo joog Soomaali ah. Faahfaahin