Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqa Cusub ee Xamar Oo Xilka La Wareegay


Duqa cusub ee Muqdisho oo xilka la wareegaya
Duqa cusub ee Muqdisho oo xilka la wareegaya

Muungaab ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ciidamada ku sugan Muqdisho la hoos keeno guddoomiyaha cusub, haddii kalena ay akdaan doonto inuu wax ka qabto amniga.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdishu Xasan Maxamed Muuugaab ayaa maanta xilka ku wareejiyey guddoomiyaha cusub ee gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka socday dowladda Soomaaliya, oo uu ka mid yahay wasiirka arrimada gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir.

Hadal uu munaasabadda ka jeediyey, ayuu Muungaab ku sheegay in intii uu xilka hayey uu wax badan ka qabtay magaalada Muqdisho sida isku celinta guryaha la isku haysto, bilicda waddooyinka iyo ka hortagista weeraro badan oo argagixiso.

Muungaab ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ciidamada ku sugan Muqdisho dhammaantood la hoos keeno guddoomiyaha cusub, haddii kalena ay akdaan doonto inuu wax ka qabto amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa hadal uu jeediyey isna ku ballan qaaday in sugidda amniga caasimadda ay noqon doonto ahmiyaddiisa koowaad.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa joogtay weriyahayaga Seynab Abuukar, warbixintan ayeyna nooga soo dirtay.

Muungaab oo xilka wareejiyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:42 0:00

XS
SM
MD
LG