Isku xirrada

War Deg-Deg ah

5 Haween Soomaali ah oo ku Dhintay Yemen


5 haween Soomaali ah ayaa ku dhintey duqeynta diyaaradaha Sacuudiga u ka wado magaalada Sanca ee dalka Yemen. Sidaas waxaa VOA u sheegtay Dahabo Cabdi Faarax oo madax u ah qaxootiga Soomaalida.

5 qof oo haween Soomaali ah ayaa ku dhintey weerarada diyaaradaha Sacuudiga ay ku hayaan magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Dahabo Cabdi Faarax oo madax u ah qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Sanca ayaa VOA u xaqiijisay in shantan dumarka ah ee Soomaalida ah ay dhinteen Arbacadii.

Laba ka mid ah gabdhahaas Soomaalida, ayaa waxaa la aqoonsaday kadib markii la helay kaararkooda aqoonsiga, balse saddexda kale waa la aqoonsan waayey, ayada oo si xun uu weerarka diyaaradeed u waxyeeleeyey.

Shanta gabdhood ee Soomaalida ah, ayaa waxaa ku dhacay gantaal, ayaga oo saran baabuur, una socda shaqadooda, sida ay sheegtay Dahabo Cabdi Faarax oo madax u ah qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Sanca.

Ka sokow gabdhahaas dhintay, waxaa sidoo kale jira dhaawacyo badan oo aan xisaab lahayn oo maalin kasta gaara Soomaalida weli ku sugan Yemen.
Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa arrintan ka wareystay Dahabo Cabdi Faarax oo madax u ah qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Sanca.

Wareysi: Dahabo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:42 0:00

XS
SM
MD
LG