Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadkii Lagu Afduubtay Sanaag Oo La Daayey


Xubnaha la afduubtay ayaa VOA-da u sheegay inay qabsadeen ciidamo ka tirsan Puntland oo kasoo horjeeda howlaha la xiriira doorashooyinka Somaliland ee ay ka wadeen gobolka Sanaag.

Siddeed xubnood oo ka tirsan hawlwadeennada guddida doorashooyinka Somaliland iyo ururo maxalli ah oo waday wacyigelin la xidhiidha doorashooyinka, kuwaas oo shalay laga afduubay deegaanka Badhan ee bariga gobolka Sanaag ayaa maanta la sii daayay.

Cumar Jaamac Faarax, oo ka mid ah xubnaha lasii daayey ayaa shaaca ka qaaday inay afduubteen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Cumar oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa sheegay in ciidamada afduubtay ay kasoo horjeedeen howlaha la xiriira doorashooyinka ee xubnaha la afduubtay ay ka wadeen gobolka Sanaag.

Waxa uu intaa ku daray in ciidamada qabsaday ay si wanaagsan ula dhaqmeen, inkasta oo uu sheegay in laga reebtay qaar ka mid ah agabkii doorashada oo ay wateen.

Cumar Jaamac waxa uu VOA-da u xaqiijiyey in sii deyntooda uu ka dambeeyey taliyaha ciidamada Puntland ee qeybta Badhan Cabdullahi Cumar, kadib markii ay dad badan la hadleen, sida uu sheegay.

Weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Kaariye ayaa wareystay Cumar Jaamac Faarax.

Wareysi: Cumar Jaamac
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:02 0:00

XS
SM
MD
LG