Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ariga Soomaaliya oo la wada talaalayo


Ariga Soomaaliya oo la talaalayo (File Photo)
Ariga Soomaaliya oo la talaalayo (File Photo)

Talaalkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay heshiis dhex maray wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee dowladda Soomaaliya iyo hay’adda cuntada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay.

Qeybo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah, ayaa waxaa ka socda talaalka labada cudur ee Agmarka iyo Furuqa oo laga talaalayo ariga.

Talaalkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay heshiis dhex maray wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee dowladda Soomaaliya iyo hay’adda cuntada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay.

Heshiiska ayaa dhigaya in dhammaan xoolaha dalka Soomaaliya la siiyo talaalkan, si ay taasi kaalin weyn uga gaysato in xoolaha Soomaaliya loo iib geeyo suuqyada caalamka.

Waxaa horey u jirtay in dalal badan oo ka mid ah kuwa caalamka, gaar ahaan carabta sida Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar ay joojiyeen inay iibsadaan xoolaha Soomaaliya, sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan cuduro ay qabaan xoolaha.

Talaalaka ayaa waxa uu billowday bishan August, waxaana uu socon doonaa illaa 10-ka October.

XS
SM
MD
LG