Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano Kenyan ah oo Tagay Muqdisho


Xildhibaan Xuseen Carab ayaa qaabilay waftiga Kenya
Xildhibaan Xuseen Carab ayaa qaabilay waftiga Kenya

Xubnahan ka socda baarlamaanka Kenya ayaa ka tirsan guddiga difaaca iyo arrimaha dibedda, waxaana tiradoodu lagu sheegay sagaal xunood.

Xubno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdishu, waxayna markiiba wadahadallo la galeen dhiggooda Soomaaliya.

Xubnahan ka socda baarlamaanka Kenya ayaa ka tirsan guddiga difaaca iyo arrimaha dibedda, waxaana tiradoodu lagu sheegay sagaal xunood. Xubnaha ay la kulmeen waxaa ka mid ah xildhibaan Xuseen Carab Ciise, Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya.

Xunaha baarlamaanka Kenya ee booqashadan ku yimid Muqdisho waxaa ka mid ah Ilyaas Barre Shiil oo isna ka mid ah Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Kenya.

Kenya waxay martigelisa boqollaal kun oo ah qaxooti Soomaali ah, waxaana sidoo kale dalka Soomaaliya jooga kumanaan ciidamo Kenyan ah. Kenya ayaa ciidamadeedu waxay ka mid yihin hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM.

Sannadihi lasoo dhaafayna, Kenya waxay bartilmaameed u ahayd weerarro is daba joog ah oo ay gaysanayeen ururka Al-Shabaab oo sheegay inaysan joojinayn ilaa Kenya ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya. Kenya ilaa haatan way ka gaws adaygtay dalabka Al-Shabab.

XS
SM
MD
LG