Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mushaar La'aanta oo Halis ku Ah Soomaaliya


Askar ka tirsan ciidamada dowladda
Askar ka tirsan ciidamada dowladda

Wakaalada wararka ee Reuters oo heshey warbixin ay arrimaha Soomaaliya ka qortey hay’ada QM u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee dalalka Eretria iyo Soomaaliya ayaa lagu sheegey in awood darida Soomaaliya ka heysato in ay bixiso mushaaraadka askartooda ama xataa ay siiso cuno waxa ay qatar galisey oo ay wax kama jiraan ka soo qaaday sanado badan oo howl adag ay ku jireen, iyo guulihii ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jireen Al-Shabaab.

Labadii bil ee la soo dhaafey ayey warbixintu sheegtey in maleeshiyadka ku xiran Alqaacida ee Alshabaab ay u suurta gashey in ay qabsadaan xerooyin ay degenaayeen ciidamda nabad ilaalinta, iyagoo dibna u qabsadey dhowr magaalo oo yaryar oo ay ka soo baxeen ciidamada dowladda oo ku yaalla gobolka Sh/Hoose.

Iyadoo aysan qofna fileyn in kooxda Alshabab ay dib u qabsado dhulkii hore ay uga saareen ciidamada Midowga Africa iyo kuwa Soomaaliya, ayaa waxaa hadda jirta cabsi laga qabo in dadaallo sanado socdey oo la doonayey in dib loogu habeeyo ciidamda ay meel cidlo ah ku soo dhaaan iyadoo askarta qaar ay ciidamada isaga tagayaan, qaar ay Isbaarooyin dhiganayaan, qaar kale ay laaluush qadaanayaan, halka ay jiraan kuwo kale oo iyagana aaanan niyad u heyn in ay dagaalamaan.

Mushaar la’aanta ciidamada ee lixda bilood soo jiitameysay, ayaa waxa ay sii xumeysey xiriirka dowladda iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah sida Mareykanka iyo wadamada Yurub, kuwaasoo balaayiin doolar ku maal galiyey in Soomaaliya lagu nabadeeyo, islamarkaana lagu xidido siibo xagjiriinta ku sii fidaya Geeska Africa.

“Inaad xukuntu ciidamo aan mushaar la siin waa dhibaato, waayo amaradaadu waxa ay ku dhacayaan dhago owdan” ayuu yiri Colonel Farah oo ka mida taliyayaasha milatariga koofurta Soomaaliya, isaga oo sheegey in askar badan oo aan mushaar qaadan ay isbaarooyin dhigteen wadooyinka iyagoo ku qal qaliya lacagana uga qaata dadka rayidka ah.

“Uma wadi kartid furumaha dagaalka , waayo waxa ay ku weydiinayaan maxaan u dhimaneynaa?” ayuu yiri Colonel Farah oo la hadlaayey wakaalada wararka ee Reuters.

Reuters oo sida ay qortey aragtey nuqul ka mida warbixin ay soo wado Monitoring Group ayaa waxa ay xuseysaa in warbixintaasi ay sheegeyso in musuqu yahay hal sabab oo aanan mushaaradka loo bixin. Warbixinta Monitoring Group ayaa ku eedeysey taliyayaasha militariga in ay si been abuur ah u kordhiyaan tirooyinka ciidamada iyo iyadoo lagu takrifaley mushaaraadkii ciidamada loogu tala galey.

Warbixintan ayaa loo qeybiyey golaha guud ee ammaanka lamana daabici doono ilaa iyo inta ay dhammaan xubnaha golaha ka eegayaan.

Somalia waxa ay baari doontaa eedaha lagu soo gudbiyey warbixinta QM ayuu sheegey Abdisalam Caato oo ah afhayeenka dowladda, isagoo intaas raaciyey in daryeelka ciidamda ay tahay muhiimada koowaad ee dowladda.

Soo xoogeysashada Alshabaab waxa ay walaac iyo cabsiba galineysaa waddamada dariska la ah Somalia sida Kenya oo kale, oo ay kooxdu ku dishey boqolaal qof weeraro baahsan oo ay ku qaadeen, iyagoo Kenya ku ciqaabaya ciidamdii ay u direen Soomaaliya.

“Bixinta mushaaraadka ciidamada waa mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee aanu kala hadalno dowladda” Sidaasi waxaa yiri diblomaasi reer galbeed ah oo la hadley wakaaladda wararka ee Reuters, Isagoo intaas raaciyey in wakiilo kala duwan ay arrintaas kala hadleen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo yiri “dhamaanteen arrintan si dhab ah ayaanu uga walaacsannahay”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii hore baddaley taliyihii ciidamada isagoo ku dhawaaqey barnaamij ballaaran oo dib loogu habeynayo hey’adaha am,aanka wacadna ku marey in jiritaanka ciidamada qalabka sida ay noqon doonto muhiimadiisa koowaad. Waxaa kale oo uu madaxweynuhu carabka ku dhuftey in mushaar bixin toos ah ama electronic ah loo sammeyn doono ciidamda si looga fogaado in la lunsado malaayiin doolar.

Warbixinta Mintoring Group, oo ay aragtey wakaalada wararka ee Reuters ayaa lagu xusey in madaxda saree e ciidamda ay aad sare ugu qaadaan tirada ciidamda si lacago badan loogu lunsado, tiradaasoo ah mid aan jirin.

Monitoring Group, ayaa warbixinteeda ku sheegtey in “Dhowr dhacdo ayaa muujiyey qataraha si xun u maamulka dhaqaalaha iyo qataraha maanka ee arrintaas ka iman kara taasoo saameyneysa ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya taasoo ka mugweyn oo kali ah musuq ka dhex jira hay’adaha ammaanka dowlada federaalka”.

Warbixinta ayaa xustey in xadka ama heerka musuq maasuqa iyo xorriyada fara laga qaadka ah ee masuuliyiinta ciidamada qaranka ay dhaawacdey kalsoonidii deeq bixiyayaasha ay ku qabeen dowladda.

Dahir Adan Elmi, oo dhawaan laga badeley xilkiisii taliyaha ciidamda ayaa sheegey in eedeymaha QM ay yihiin mid aan raad alheyn isagoo sababta mushaar la’aanta keenteyna ku sheegey dhaqaalihii dowladda usoo xaroon jirey oo hoos u dhacay balse aysan ahayn musuq.

Ra’iisul wasaare Sharrmarke ayaa u sheegey wakaalada wararka ee Reuters in guulaha Alshabab ee qeyba ka mid ah Shabeellaha Hoose ay leedahay uun saameyn yar.

Mar ay Reuters weydiisey mushaar bixin la’aanta ciidamda ayuu sheegey ra’iisul wasaraha in dowladiisu ay xoogga saareyso sidii ay meesha uga saari laheyd tirooyinka been abuurka ah ee ciidamada si loo helo tirada rasmiga ah ee ciidamada.

Dhanka kalena saraakiisha ciidamada qaar ka mida AMISOM ayaa qatar ka muujiyey ciidamada aan mushaarka qaadan ee ka bar bar dagaalamaya.

Deeq bixiyayaasha ayaa rajeynaayey in kadib markii la wiiqey Ashabaab gaar ahaana koofurta Soomaaliya in ciidamda Soomaalida ay la wareegi doonaan ammaanka meelaha ka baxsan magaalooyinka.

Stig Jarle Hansen, oo ah qabiir Jaamacada NMBU ee dalka Norway wax ka dhiga, ayaa sheegey in aysan Alshabab marna aysan tir tirmi doonin haddii aanan la sugin ammaanka meelaha miyiga ah taana waa inay Soomaalida lafteeda sameeyaan.

Barnaamij la doonaayey in la isugu dhafo ciidamada qabaa’ilka loogana mid dhigo ciidamada xooga dalka ayaa u muuqda mid gabi ahaanba bur buraya, barnaamijkan ayaa ka socdey magaalada Kismaayo. Sida ay sheegeen waxgaradka qabaa’ilada deegaankaas boqolaal dagaal yahano ah ayaa isaga tegey askarta kadib markii ay dowladdu bixin weydey mushaarkoodii.

Mid ka mida la taliyayaasha reer galbeedka ee dhanka amaanka yaa sheegey in labadii todobaad ee ugu danbeysey ay 1500 oo askar ah xareysneyd ay hadda ka joogaan 800 oo kaliya, iyagoo taana ku bedeshey isbaarooyin sharci daro ah.

Kooxd QM ayaa sheegtay in sixitaan lagu sameeyo dhaqaalaha ciidamada ay tahay mid halbowle u ah in la adkeeyo guulihii horey loo gaarey, si looga fogaado bur bur ku yimaada ciidamadan kadib marka ay AMISOM ka baxdo Somaaliya. Balse dhismaha niyada askarta sida Hassan Osman waa ay adkaan doontaa hadii aanan lagu caawin in ay reerahooda biilkooda bixiyaan.

Hasan oo sawirayey caqabadaha heysta ayaa sheegey in ay aadan faraxsanan karin iyadoo dhinac ay kaala dagaalamayaan Alshaabab dhanka kalena ay xaaskaagi ku weydiisaneyso warqadii furiinka.

XS
SM
MD
LG