Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil Soomaali Ah Oo Isku Dilay Jarmalka


Wiilka is-dilay ayaa waxaa loo sababeynayaa kadib markii loo diiday sharciga degenaanshaha dalkaas, oo uu ku taamayey.

Booliiska dalka Jarmalka ayaa gacanta ku haya kiiska wiil Soomaali ah oo la sheegay in toddobaadkan uu isku dilay magaalada Hanover ee bariga dalkaas.

Khaalid Cabdi Yuusuf oo ka mid dhallinyarada Soomalida oo ku sugan magaalada Frankfort ee Jarmalka, ayaa VOA-da u sheegay in wiilkan yar uu maskaxda ka xanuunsaday kadib markii loo diiday sharciga degenaanshaha dalkaas.

Dhacdadan ayaa wararku sheegayaan in aanay ahayn tan kaliya ee dalkaas ka dhacday, oo ay jiraan Soomaali hore isugu dilay dalka Jarmalka.

Sababta is-dilkan ayaa la sheegay in ay la xiriirto rajo beelka ay dhallinyarada qaarkood ka qaadeen nolosha Yurub, iyaga oo la kulma wax ka duwan wixii ay ku taamayeen, sida sharciga degenaansha.

Haddaba, faahfaahinta dilkii toddobaadkan ayaa Maxamed Cabdi Sandhere waxa uu ka wareystay Khaalid Cabdi Yuusuf oo ka mid dhalinyarada Soomalida oo ku sugan magaalada Frankfort ee Jarmalka.

Soomaali Iskul Dila Jarmalka
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:50 0:00

XS
SM
MD
LG