Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Webiga Jubba Oo Ku Fatahay Gobolka Gedo


Fatahaadda webiga Jubba ayaa burburisay dalagyo beereed oo isugu jira basal, sisin iyo galeey, sida ay dadka deegaanka u sheegeen VOA, waxaana sidoo kale jira barakac.

Wabiga Jubba ayaa ku fatahay qeybo ka mid ah gobolka Gedo halkaasi oo uu ka geystay khasaarooyin dhaqaale iyo barakac xooggan, oo ku yimid dadka deegaanka.

Fatahaadda webiga Jubba ayaa saameyn ku yeelatay dhul beereed baaxad weyn, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka geystay deegaanka Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in khasaare xooggan oo hantiyeed uu gaaray, ayaga oo intaas ku daray in ka hor inta uusan fatihin webiga ay da’een roobab xooggan.

Dalagyada beereed ee webiga Jubba uu burburiyey ayaa waxa ay isugu jireen galey, sisin iyo basal, sida uu VOA uu sheegay Xasan Cali Xasan oo ka mid ah baaraleyda uu fatahaadda webiga saameeyey.

Weriyaha VOA ee Baydhaba Mukhtaar Maxamed Catoosh, ayaa warbixintan inoo soo diray.

Fatahaadda Webiga Jubba
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:57 0:00

XS
SM
MD
LG