Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tuhunno Ka Soo Baxay Qaraxii Kismaayo


Axmed Madoobe ayaa hoggaamiya Jubaland
Axmed Madoobe ayaa hoggaamiya Jubaland

Wasiir ku xigeenka howlaha guud, dib u dhiska iyo guryeynta ee dowladda Maxamed Cumar, ayaa tuhunsan in weerarkii Jaamacadda Kismaayo ay fududeeyeen xubno ka tirsan Jubaland

Wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guryeynta dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Geedi, ayaa tuhunsan in weerarkii maalmo ka hor lagu qaaday xarrunta Jaamacadda Kismaayo, ay fududeeyeen xubno ka tirsan maamulka Jubba.

Weerarkaasi ayaa waxaa dhintay tiro askar ah oo halkaasi tababar uga socday, kuwaasi oo qeyb ka ahaa ciidamo la qarameeyey oo u diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa sheegay in wax laga shakiyo ay tahay sida deg degga ah ee loo dilay qof maamulku ay ku eedeyeen in uu wax ka ogaa weerarkaasi dhacay, kadib markii la qabtay.

Dhanka kale, waxaa eedeymahaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay maamulka Jubba. Wasiirka warfaafinta maamulkaasi Cabdinuur Cali Aadan, ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku lug lahaa weerarka.

Wasiirka ayaa qiray inuu jiro nin la tuhmayo oo la dilay, balse waxa uu shaaca ka qaaday in dilka uu u dhacay si deg deg ah, taasna aysan macnaheedu ahayn in maamulka Jubba uu ku lug lahaa weerarkii jaamacadda Kismaayo.

Maxamed Cumar Geedi, oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guryeynta Soomaaliya, iyo Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubba Cabdinuur Cali Aadan, ayaa waxaa labadaba wareystay Jamaal Axmed Cismaan.

Wareysiga Maxamed Cumar Geed
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:27 0:00
Wareysiga Cabdinuur Cali Aadan
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00

XS
SM
MD
LG