Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Maxamed Cumar Carte Qaalib


Maxamed Cumar Carte (Courtesy Of Radio Muqdisho)
Maxamed Cumar Carte (Courtesy Of Radio Muqdisho)

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somalia ayaa sheegay in dadka dega gobollada waqooyi ay qayb ka yihiin wadatashiyada 2016.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda woqooyiga Soomaaliya ama Somaliland.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in qabiilada dega gobollada waqooyi ay qayb ka yihiin barnaamijka dhageysiga aragtida dadka Soomaaliyeed ee muddooyinkii dambe ay xukuumadda wadday.

“Wadatashiyada 2016-ka waxaa loo qabanayaaa dadka Soomaaliyeed oo dhan, dadka dega waqooyiga Soomaaliya ama Somaliland waxa ay qeyb ka yihiin dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Maxamed Cumar Carte waxa uu sheegay in dadkii uu kula kulmay Muqdisho ee kasoo jeeday waqooyiga ay muujiyeen dareen wanaagsan oo ku wajahn hiigsiga 2016-ka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa dhinaca kalena sheegay in xukuumadda ay dardar gelin doonto wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa uu sidoo kale wareysigan uga hadlay dagaallada maamullada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray magaalada Gaalkacyo.

Wariyeheena magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed (OK) ayaa mudane Maxamed Cumar Carte ku wareystay magaalada Muqdisho.

Wareysi: Maxamed Cumar Carte
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:32 0:00

XS
SM
MD
LG